Mid Kamid Ah Dowladdaha Reer-Galbeedka Oo 11 Dal Oo Afrikaan Ka Saaray Liiska Cas

0
343

Mid Kamid Ah Dowladdaha Reer-Galbeedka Oo 11 Dal Oo Afrikaan Ka Saaray Liiska Cas

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhammaan 11-ka waddan laga saarayo liiska cas ee UK laga bilaabo 4-ta subaxnimo Arbacada.

Dalalka liiska ku jiray ee haatan xayiraadda laga qaaday waxaa ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.

Liiska cas ayaa dib loo soo celiyay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron.

Laakiin Xoghayaha Caafimaadka UK Sajid Javid ayaa sheegay in fayrasku uu haatan si guud u faafay sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here