Wiil Somali Ah oo gabadh Oromo Ah ku Guursaday Hal eray oo afkeeda ka soo Baxay Oo Quseeyey Hooyadiii

0
511

Wiil Somali Ah oo gabadh Oromo Ah ku Guursaday Hal eray oo afkeeda ka soo Baxay Oo Quseeyey Hooyadiii

Wiil Somali Ah oo Hasaawe dhex maray Gabadh oromo ah ayaa u guursaday Hadalkeeda ka dib markii ay Sheekadeeda ku soo Dartay in aanay is guursan karin ilaa ay la kulanto hooyada dhashay Wiilka

Gabadha  oromada ah oo qadarin u haysa hooyoyinka dhamaan  ayaa u arkaysay in Sodohdu mudan Tahay  qadarin Wiilkeeduna ogaysiiyo Talaabo kasta oo u qaadayo  sidaa awgeed marka hore ay raali galiyaan Hooyada Sodohda ah ee ninkan Soo Korsatay

Gabdha ayaa ku Tiri wiilka markii Hore ii gee hooyada marka hooyada aan is aragno ee aan kulano kali ah ayaad arimo guur igala hadli karkaa

Hadalka gabadha oo wiilkii Somaliga ahaa aad ula yaabay Qiimahiisa  ayaana Keenay inuu u geeyo Hooyadii Sidoo kalena u qaato Go,aan kama Dambays ah  oo u Ku soo dedajinayo guurka gabadha Oromada ah

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay baraha bulshada ka socday dood ku aadan doorka ay Sodohda ku leedahay dhisidda qoyska wiilkeeda.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib dood uu qabtay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida, Universal TV iyadoo qaar ka mid ah gabdhihii ka qeyb galayay ay sheegeen in hooyada dhashay seygooda aysan u ogolaan lahayn in ay gurigeeda timaado. Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn badan iyo su’aalo ku aadan wada noolaanshaha soddohda iyo gabadha uu wiilkeeda qabo.

Dooda oo ay ka qeyb galayeen gabdho iyo rag-ba ayaa waxaa dadka isticmaala baraha bulshada si gaar ah u soo jiitay fikirka qaar ka mid ah hablihii doodda ka qeyb galayay.

Mid ka mid ah gabdhihii dooda ka qeyb galayay ayaa tiri “Sodohdu way dhib badan tahay run baa fiican, guriga markay ku soo biirto buuq baa ku soo biira, sodohdeey gurigeeda ha joogto maxay gurigeyga ka soo doonaysaa kan aniga ayaa la igu qabaa.”

Arrintan ayaa dadka isticmaala baha bulshada waxaa ay ka bixiyeen felcelin kala duwan oo qaarkood uu u adag laguna diidan yahay fikirka ay gabdhaasi soo jeedisay.

Qaar ka mid ah dadkii ka fal-celiyay ee baraha bulshada ku qoray waxaa ka mid ah ah Juwweriya oo tiri, Malabka wan rabaa se shinidii samaysay ma rabo dumarkan maxa khaldan

Sodohda haddii ay ahaan laheyd midda dhashay wiilka ama gabdhaha ayaa waxay bulshada ku dhex lahayd meeqaam iyo milge aad u sareeya.

a

Macalin Bashiir Maxamuud (Bashiir Badane) oo ka mid ah maclimiinta wax ka dhiga jaamacada Muqdisho islamarkana dhaqanka Soomaalida darsa ayaa sheegaya in sodohda ay xurmo badan ku dhex lahayd bulshada.

“Xurmo gaar ah ayay Soomaalida siin jireen waxa la yiraahdo sodohda,” ayuu yiri Mr Bashiir.

Waxaa uu intaa ku daray in Sodohda ay Soomaalida dhexdeeda ay ka joogtay derajada Hooyo.

“Meeqaamka waxay jogtay hooyo, hadaba way joogtaa meeqaamka hooyo marba haddii wiilka gabadheeda qaba aysan weysada ka jabinayn,” ayuu intaa ku daray.

Maclin Bashiir ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in sodohda ay labo qeybood u qeybsanto oo ay darajooyiin ay kala leeyihiin.

“Sodohda labo nooc ayay u kala baxdaa oo labo darjo ayay kala leedahay, sodoh toos ah iyo sodoh dadban, sodohda tooska waa hooyada gabadheeda la qabo oo wiilku uusan weysada ka jabin , wax alaale iyo wixii abtir ahaan ugu yimaada hooyadaasi sida walaaladeed ilama adeeradeed dhammaan waxay nqoonayaan sodohyaasha dadban, ayuu yiri Mr Bashiir.

Waayadii hore waalidiinta waxay ay kaalin mug leh ku lahaayeen cidda uu xulanayo wiilkeed ee uu noolasha la wadaagayo.

Hooyada ayaa la sheegay in dhaqanka Soomaalida ay waayadii hore kaalinta ugu wayn ku lahayd gabadha uu guursanayo wiilkeeda.

Maclin Bshiir Maxamuud (Bashiir Badane) ayaa sheegaya in hooyada ay kaalin wayn ku lahayd soo xulidda gabadha uu guusanayo wiilkeeda.

“Soddohda wiilkeeda gabadha uu guursanayo door weyn ayay ku lahayd inay soo xusho waayo guurka ayaa waxaa la yiri waa god madow gacanta ku rido wax kaasoo raaci doono ma ogid ,” aayuu yiri Maclin Bashiir.

Waxaa sidoo kale waayadii hore marka ay dhallinyarada guursanayso la sameyn jiray wax la yiraahda asal raac oo ah in wiilka uu guursado gabadh uu reerkooda garanayo.

Hooyada ama aabaha ayaa wiilka u soo arki jiray gabadha iyaga oo ka dib u soo jeedin jiray gabadhaas ina hebel qoys wanaagsan ayay ka soo jeedaa ee guurso.

“Wiilka fiican ee sharafta leh ee waalidkiisa xurmeeya gabadh lama guursadee reerkooda ayaa la guursadaa ayaa la yiri inuu aabihii kala tashado ama hooyadiis kala tashado oo ay u soo xusho iyada oo asal raaceyso oo haweenka iyo geelaba waa la hidda raacaaye hooyo reer hebel ayaa damcan in aan gabadh ka guursadee ka waran oo ay soo xusho,ay tiraahdo,” ayuu intaa ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here