KENYA : Hoggaamiyaha Ruug Caddaaga Oo Markii Shanaad U Tartamaya Madaxweynaha Kenya

0
633

KENYA : Hoggaamiyaha Ruug Caddaaga Oo Markii Shanaad U Tartamaya Madaxweynaha Kenya

Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay….

Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sanadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama dastuurka Kenya uu dhigayo in aanu tartami karin inka badan laba xilli oo min shan sano ah.

Odinga ayaa ku ammaanay Kenyatta inuu billaabay wadahadal ay ku midoobeen afar sano kahor kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay codbixintii 2017-kii.

Saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay Odinga waxa ay doorashooyinkii 2007 iyo 2013, taageerayaashiisu ka mudaaharaadeen natiijada doorashada, isaga oo sidoo kale maxkamadda la aaday natiiijada doorashooyinkaas, waxana uu sheegay in isagu uu ku guuleystay, laakiin laga xaday.

Isku dhacyo sababay dhimasho ayaa sidoo kale ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017. Laakin waxa uu heshiis nabadeed la galay madaxweyne Kenyatta horraantii 2018-kii, isaga oo dhinaca isaga riixay ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, oo isna si weyn u soo bandhigay hammigiisa Madaxtinimo.

Dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kenyatta iyo madax kale ayaa ka qeyb galay daahfurka ololaha Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here