NATO Oo Diiday Dalab Uga Yimid Ruushka Iyo Nuuca Uu Ahaa Dalabka Ruushka Laga Diiday

0
351

NATO Oo Diiday Dalab Uga Yimid Ruushka Iyo Nuuca Uu Ahaa Dalabka Ruushka Laga Diiday
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine ee ahaa in waddanku uu maalin uun xubin ka noqdo xulafada milatariga reer galbeedka.

Hadalkaan ayaa soo baxay Jimcihii ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ay sheegtay in NATO ay tahay in ay si rasmi ah u baabi’iso ku dhawaaqistii 2008-dii ee xubinnimada Georgia iyo Ukraine, oo ah laba Jamhuuriyadood oo hore u ahaan jiray Soviet Union.
“Xiriirka NATO ee Ukraine waxaa go’aamin doona 30 dal ee kujira xulufada NATO iyo Ukraine, cid kale ma jirto,” Stoltenberg ayaa u sheegay suxufiyiinta Brussels Jimcihii.

Ruushka ayaa qabsaday gobolka Crimea ee Ukraine 2014-kii isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray fallaagada gooni-goosadka ee gobolka Donbas ee bariga dalkaas. Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale qabsaday laba gobol oo ka go’ay Georgia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here