Puntland Oo Dib U Dejin U Sameeysay Dadkii Laga Soo Masaafuriyey Somaliland
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay dib u dejin u sameeysay dadkii dhawaan Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.
Dadka lasoo masaafuriyey oo muddooyinkii dambe ku sugnaa degaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa Maamulka uu dib u dejin ugu sameeyay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Puntland.
Dadkaan oo isugu jiray Haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa la dejiyay dul maamulka leeyahay oo ku yaalla degaanka jeexdin ee duleedka Gaalkacyo, waxaana dadka degaankaas lagu geeyay gaadiid lagu daabulay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa horey u ballan qaaday inay dib u dejin u sameeynayaan dadkii laga soo masaafuriyey Laascaanood, iyagoona dadka horey u siiyay gargaar isugu jiray cunto iyo hoy ay degaan,.
Si kastaba Somaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo raaftay boqolaal qof oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay Laascaanood.