Dagaalyahano taabacsan Al-Shabaab oo xalay lagu weeraray duleedka degaanka Af-urur
Dagaalo ayaa xalay xilli dambe Ciidamada Puntland iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray buuraha waqooyi kaga beegan tuulada Af-Urur ee Gobolka Bari.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii Ciidamada Puntland ee aagaas ku sugan ay weerareen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo isku urursanayay buuraha iskuna diyaarinayey iney soo weeraraan tuulada Af-Urur.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyey in Ciidamadu ay howlgal ka fuliyeen Buuraha dhanka Waqooyi ee tuulada Af-urur iyo wadada aada dhinaca Sugurre.
Faahfaahin kama bixinin saraakiishu khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.
Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah waxay marar badan ku qaadeen degaanka Af-urur, halkaasoo ay fariisin weyn ku leeyihiin Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland.