Xilliga La Maxkamadeyn Doono Ninkii Soomaaliga Ahaa Ee Dilay Xildhibaan Sir David Oo La Shaaciyay

0
350

Xilliga La Maxkamadeyn Doono Ninkii Soomaaliga Ahaa Ee Dilay Xildhibaan Sir David Oo La Shaaciyay

Ninka Soomaaliga ah ee lagu soo eedeeyay dilka xildhibaan Sir David Amess ayaa maxkamd la soo taagi doonaa sanadka soo socda.

Cali Xarbi Cali oo 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo diyaarinta falal argagixiso kadib markii uu tooreey ku diley xildhibaan Sir David Amess toddobaad ka hor.
Wuxuu ka soo muuqday Old Bailey Jimcihii isagoo ku jira xabsiga Belmarsh. Waxaana Taariikhda maxkamadaynta loo qabtay 7 -da Maarso 2022-ka.

Mr Ali, oo ka yimid Magaalada Kentish ee waqooyiga London, wuxuu xirnaa funaanad madow xigeen ah wuxuuna is ka qaaday maaskarada wajiga si loo xaqiijiyo magaciisa iyo taariikhda dhalashada.

Sir David, oo 69 jir ahaa, oo baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Garsooraha, Mr Justice Sweeney, ayaa maxkmadda Old Bailey ka sheegay in dhageysiga hordhaca ah ee xiga ee dacwadda noqon doono 5 -ta November.

Cali Xarbi Cali ayaa la xiray ka dib weerarkii ka dhacay deegaanka Leigh-on-Sea, Essex, Jimcihii.

Sir David, oo ahaa xildhibaan muxaafid ah, tan iyo 1983-kii, ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo badan oo tooreey ah, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Cali waa nin British ah oo aabihiis uu hore u ahaa la taliyaha Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Nick Price, oo ka tirsan Adeegga Xeer-ilaalinta, ayaa shalay yiri: “Waxaan u gudbin doonnaa maxkamadda in dilkan uu xiriir leeyahay argagixiso”.

Cali Xarbi ayaa lagu eedeeyey inuu booqday guriga hal xildhibaan iyo Guryaha Baarlamaanka sannadkan, taa soo qayb ka ah sahaminta weerar dhici kara.

Khamiistii, Mr Ali, oo ka yimid waqooyiga London, ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Westminster Magistrates ‘Court. Isagoo xidhan dhar isku joog ah oo midabkiisu yahay madow xigeen iyo muraayado madow, ayuu hadlay si uu u xaqiijiyo magaciisa, da’da iyo cinwaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here