Khasaarihii ugu badnaa abid oo soo waajahay Shirkada Facebook Applications-keeda kala duwan.
Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay kadib markii uu hawada ka maqnaa ku dhawaad 6 saacadood oo xidhiidh ah ,sida ay shirkadu sheegtay.
Shirkadda ayaa sheegtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay shirkadahani u shaqeeyaan.
Dhammaan saddexdan aalad ee baraha bulshada ayaa waxaa iska leh shirkadda Facebook.
waa muddadii ugu dheereyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnadaan sida ay shirkadu sheegtay.
Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan oo ku kala sugan guud ahaan caalamka ayaa soo sheegay in ay dhibaatadani saameysay oo ay Somaalidu ku jirto.
Mark Zuckerberg Milkiilaha Shirkadda Facebook ayaa qasaaray $6 ilaa 7 billion oo dollarka Mareykanka ah saacado yar gudahood kadib markii ay hawada ka baxday Aaladda Facebook oo cilad ku timid iyo baraha kale ee ay Shirkaddu leedahay.
Zuckerberg oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Dunida ayaa waxaa soo wajahday culeys dhanka dhaqaalaha, maadaama saacado yar un qasaaray balaayiiin dollar ka Mareykanka ah.
Shirkadda Facebook ayaa Isniintii 4 October lumisay 49% dhaqaalaha Shirkadda, marka loo eego 15% oo ay qasaartay bartamihi bisha September.
Markii ugu dambeysay ee Facebook ay cillad oo kale ku timaado ayaa ahayd sanadkii 2019kii.
Adiga Xalay sidee ayay ku saamaysay ciladan se miyaad ku khasaartay mise waa ku faa’iday?