LAASCAANOOD | Dad careysan oo Banaanbax rabshado wata ka dhigay Magaalada

0
395

LAASCAANOOD | Dad careysan oo Banaanbax rabshado wata ka dhigay Magaalada

Banaanbax rabshado watay ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa uu ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo waddooyinka isugu soo baxay.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ka dhacay Laascaanood oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Odayaal ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo careysan amni darro iyo dilal qorsheysan oo muddooyinkii ka dhacayay gudaha Magaaladaas.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falalka amni darro oo kusoo batay Magaalada, isla markaana Maamulka Gobolka Sool ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada taagan.

Inta uu socday banaanbaxii ka dhacay Magaalada Laascaanood ayaa waxaa dadka qaarkood ay waddooyinka ku gubayeen taayaro waaweyn, sidoo kalena ay dhagxaan ku xireen wadada, iyagoona joojiyay isku socodka gaadiidka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ay rasaas u adeegsadeen kala eryidda dadkii xalay banaanbaxa dhigaayay, kadib markii dadka qaarkood taayiro ku gubeen bartamaha Magaalada.

Si kastaba habeeno kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale banaanbax rabshado watay uu ka dhacay Magaalada Laascaanood, kaasi oo looga horjeeday dil loo geystay Xildhibaan  Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo kamid ahaa Golaha deegaanka Magaaladaas oo ay dileen rag hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here