Dhoolatus Milliteri Oo Lagu Soo Geba-Gebeeyey Xeebaha Soomaaliya+Cıda Samaysay
Ciiddamo Baddeed ka kala socday dalalka Japan, UK, Maraykanka iyo The Netherlands waxay labadii maalmood ee u dambaysay Carbis Milliteri ka sameeyeen Gacanka Cadmeed ee u ka baxsan Xeebaha Somalia.
Wasiirka Difaaca ee dalka Japan, Nobuo Kishi ayaa maanta sheegay in Dhoolatuskaasi looga dan lahaa sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
Wasiir oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Tokiyo waxa uu xusay in Carbiskaasi oo socday maalmihii Axadda iyo Isniinta ay ka qeyb galeen Ciiddanka Difaaca Japan oo watay Markabka Burburiyaha ee lagu magacaabo Steogiri iyo Diyaaradaha wax lagu ilaaleeyo ee P3C iyo Markabka Diyaraadaha xambaara ee ugu weyn dalka UK.
Wasiirka Difaaca ee Japan waxa kale oo uu tilmaamay inay Carbiskaasi ku wehliyeen Ciiddamo iyo Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Maraykanka iyo The Netherlands.