Midawga Murashaxiinta Madaxwaynaha Soomaliya oo Madaxwayne Farmaajo Markale ugu baaqay in uu Iscasilo iyo Sababta

0
356

Midawga Murashaxiinta Madaxwaynaha Soomaliya oo Madaxwayne Farmaajo Markale ugu baaqay in uu Iscasilo iyo Sababta

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac darran ka muujiyay xaaladda dhalinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Eratariya, kuwaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan wel-welka iyo walaaca ay ka qabaan dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eratariya ee nolo iyo geeri lagu la’yahay.

Musharaxiinta ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay mid aan la iska indho-tiri karin, isla markaana uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here