Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka GERD Iyo Deganaanshaha Geeska Africa

0
323

Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka GERD Iyo Deganaanshaha Geeska Africa

Madaxweynaha Masar, C/Fatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xiriirka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xireenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha.

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhamaystiran oo sharciyeysan laga gaaro Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia (GERD).
Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xireenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi.
Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xireenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaaro iyo haddii kaleba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here