Mareykanka Oo Sheegay In Uusan Taageeri Doonin Muddo Kordhinta Farmaajo

0
387

Mareykanka Oo Sheegay In Uusan Taageeri Doonin Muddo Kordhinta Farmaajo

Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay go’aankii dhawaan ay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay mudda kordhinta ugu sameeyeen Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay si aad ah uga xamaadeen qaraarkii dowladda fedaraalka ah ee Soomalaiya ee lagu ansixiyay muddo 2 sano ah oo loogu kordhiyay muddo xileedka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka.

“Waxaan horey ugu celcelinay in ay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, baraaraha iyo dowladnimada Soomaaliya in dowlada fedaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay gaaraan heshiis ku aadan sidii horey loogu sii wadi lahaa geedi socodka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa uu Mareykanka ku celiyay in marnaba aysan taageeri doonin muddo korarsiga la sameeyay, doorashooyiin is barbar socda amaba geedi socod hal dhinac ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in hindisa shirciyeeda muddo kordhinta oo la dhaqangaliyo ay caqabad halis ah ku tahay wadaxaajoodyada ayna minjaxaabinayso nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here