Midowga Musharaxiinta Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Qaado Tallaabo Adag

0
276

Midowga Musharaxiinta Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Qaado Tallaabo Adag

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ay u sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay mudo kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyay Madaxweynaha, isla markaana la jebiyay dastuurka u yaalla dalka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Go’aankii Xildhibaanada ku jebiyeen Dastuurka iyo Go’aankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan difaaca dalka, isla markaan ay ka hortegaan kalitalismimada lagu doonayo in dalka lagu burburiyo.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa dowlad iyo nabad dhiska Soomaaliya, iyagoona Beesha ugu baaqay inay tallaabo ka qaado shaqsiyaasadka halista ku ah  xasilloonida Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here