khasaaraha Dhaqaale Ee Ka Dhashay Mudadii Uu Xidhnaa Marin Biyoodka Suways Oo La Shaaciyay

0
329

khasaaraha Dhaqaale Ee Ka Dhashay Mudadii Uu Xidhnaa Marin Biyoodka Suways Oo La Shaaciyay

Madaxa Maamulka Kanaalkaasi, Admiral Osaama Rabiici ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey Khasaare maalmeedkii ay kala kulmeen Markabkii xanibay Kanaalkaasi .

Waxa uu Admiral Osaama tilmaamay inay lacag u dhexeysa 12 million oo Dollar ilaa 15 million oo Dollar ay khasaareen 6-dii maalmood ee ay socotay xanibaadaasi.

Mar wax laga weydiiyey inay iyagu mas’uul ka ahaayeen Markabkii ku caariyey Kanaalka, waxa uu xusay inay iyagu Dhibane ah, laguna eedeyn Karin Shilkaasi.
Shirkadda leh Markabkii xanibay Kanaalka maalmihii la soo dhaafay waxay iyagana sheegeen inuusan Maamulka Kanaalka mas’uul ka ahayn inuu Markabkooda ku caariyey Kanaalka.

Markabka Ever Given waxa Kanaalka laga jiiday maalin kahor, taasi oo soo af-jartay Xanibaadii Marinka Kanaalka Suweys ee isku-xirta Badda Cas iyo Badda Mediterrean Sea.

Tan iyo bishan March 23-dii waxaa xanibnaa Marinka Kanaalak Suweys ee isku xira Badda Cas iyo Badda The Mediterranean Sea, kadib, markii uu Markab Xamuul oo aad u culus ku caariyey inta u dhexeysa labada Cirif ee Kanaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here