Dal Aan Bad Laheyn Oo Ciidamo Baddeed U Soo Daabulaya Soomaaliya

0
359

Dal Aan Bad Laheyn Oo Ciidamo Baddeed U Soo Daabulaya Soomaaliya

Dalka Uganda oo aan lahayn Bad ayaa waxaa Tababar loogu soo xiray  Guuto ka tirsan Ciiddankooda Badda ama (Mariniska), kuwaasi oo Tababar ku qaatay Harada Weyn ee Lake Victoria oo ku taalla xuduudka ay Uganda la wadaagto dalalka Tanzania iyo Kenya.

Taliyaha Ciiddanka Khaaska ee Uganda ahna La-taliyaha Sare ee Madaxweyne Museveni  ee dhinaca Hawlgalladda Khaaska (Special Operations), Sareeye Guute  Muhoozi Kainerugaba waxa uu ku booriyey Ciiddankaasi inay u diyaar garoobaan xilli kasta oo loo baahdo in iyaga loo daad-gureeyo dalalka kale.

“Waxaa la idiin daabuli doonaa meel kasta oo ay Ciiddanka Uganda joogeen tan iyo sanadkii 2007-dii” ayuu yiri Sareeye Guute  Muhoozi Kainerugaba.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tiro yar oo ka tirsan Ciiddanka Badda Uganda ka hawl-galaan Somalia, kuwaasi oo uu xusay inay had iyo jeer fuliyaan Shaqo Wanaagsan oo Jawi caqabado badan leh, waa sida uu hadalka u yiri.

Sareeye Guute  Muhoozi Kainerugaba waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay inay ilaaliyaan Heerarka sare ee ay Ciiddankii ka horeeyey ka gaareen shaqada ay u tageen Somalia.

Waxa kale oo uu Ciiddanka Tababarka loo xiray uga digay Khatarta Mowjadaha xooggan ee ay kala kulmi karaan Badweynta Hindiya ee ay ka hawl-geli doonaan, wuxuuna xusuusiyey in Mowjadaha Badweynta Hindiya  ay ka xoog badan yihiin kuwa Harada Lake Victoria ee  ay tababarka ku qaateen.

Dhinaca kale, lama shaacinin Tirada Ciiddankaasi  iyo xilliga loo soo diri doono Somalia,  waana markii ugu horeysay ee Ciiddamo Badda (Marinis-ka) ee AMISOM loo tababaray ay  tababar ku soo qaataan  Harada Lake Victoria oo ah Harada ugu weyn Qaaradda Afrika, kuna taalla Xuduudka ay wadaagaan Dalalka Uganda, Tanzania iyo Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddankaasi waxaa soo tababaray Saraakiil Milliteri oo u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo ka tirsan Kooxda Taageeradda Tababarka Nabadda Britain ee ku sugan gudaha Uganda (The British Peace Support Training Team in Uganda).

W/Q: Ustaad Nuradin 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here