Madaxda Maamul Goboleedyada oo heshiis hordhac ah gaaray
Madaxda maamul goboleedyada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulan ugaga socday hotel ku yaal garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gaareen heshiis hordhac ah.
Kulanka ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay heshiis hordhac ah ka gaareen in la sii ambaqaado heshiiska doorashada oo muddo hakad ku yimid.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay in madaxda maamullada kale ay ka dalbadeen in la qanciyo ama kulamada guud laga qeyb geliyo xubnaha Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa la kulmay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Soomaaliya,waxaana la qorsheynayaa in ay la kulmaan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kahor inta aan la qaban shir lagu wado in maalinta Talaadada ah ay isugu yimaadaan dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.