Cabdirashiid Janan Oo Shaaciyay In Uu La Heshiiyay Dowlada Somaliya Kuna Soo Waajahan Yahay Baladxaawo

0
282

Cabdirashiid Janan Oo Shaaciyay In Uu La Heshiiyay Dowlada Somaliya Kuna Soo Waajahan Yahay Baladxaawo

Wasiirkii amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdinuur Janan ayaa si rasmi ah heshiis ula saxiixday dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Goor dhow la faafiyay.

Wariye Bashiir Maxamed Caato oo ka tirsan laanta Afka Soomaalida ee BBC-da oo la hadlay Janan ayaa u sheegay qodobada heshiiska Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu la gaaray dowladda Feederaalka Soomaaliya.

Janan ayaa sheegay in dowladda Federaalka uu heshiiska galay isaga oo ah Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, ayna la socdaan Ciidamo gaaraya ilaa iyo 400 oo Askari iyo 36 gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka la socda ay la wareegeyso dowladda Federaalka, waxaana heshiiska Janan iyo dowladda ay wada gaareen uu ahaa qodobadan:

1- In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2- In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3-In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4- In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5- In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Waxaa kale oo uu Janan sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusan dooneynna in uu qeyb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here