Turkigu Boqortooyada Sucuudiga Ma Ka Iibin Doonaa Diyaaradihiisa Dronta Ee Bayraqdaar ?

0
282

Turkigu Boqortooyada Sucuudiga Ma Ka Iibin Doonaa Diyaaradihiisa Dronta Ee Bayraqdaar ?

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdoğan ayaa shaaciyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka codsatay in dalkiisa uu ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn (Drones).

Erdoğan ayaa warkan sheegay xilli uu ka falcelinayay dhoolatus milateri oo ka dhacay caasimadda Athens, kaasoo ay ka qeybgaleen ciidamada Giriigga, Faransiiska, Masar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn.

“Wa arin lala yaabo in [Sacuudiga] uu ka qeybgalayo dhoolatuskaas ciidan ee Giriigga, halka dhanka kale ay naga codsanayaan inaan ka iibino drones-keena. Waxaan rajeyneynaa in aan arintaas si degan ku xallino,” ayuu yiri Erdoğan

Turkiga ayaa u arka dhoolatuska ciidan ee ay dalalka ka sameeyeen Giriigga mid looga soo horjeedo Ankara, oo uu khilaaf kala dhexeeyo xukuumadda Athens.
Xiriirka Ankara iyo Riyadh
Xiriir Ankara iyo Riyadh ayaa gaaray meel xun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi sanadkii 2018 loogu geystay gudaha qunsuliyada uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.

Ankara ayaa Sacuudiga cadaadis ku saartay dilkaas, waxaana markii dambe hoos u dhacay xiriirka ganacsi ee labada dal kadib markii aan si rasmi ahayn ay magaalooyinka Boqortooyada u dhimeen iibsiga alaabta lagu sameeyo Turkiga.

Labada dal ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u wanaajin lahaayeen xiriirka ka dhexeeya.

Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa todobaadkii hore shaaciyay in Ankara ay dib u soo celisay xiriirka diblomaasi ee ay la lahayd Masar, oo ay xulafo dhaw yihiin Sacuudiga.

Turkiga iyo Masar ayaa kala taageersan dhinacyada isku haya colaadda Liibiya. Qaahira ayaa sidoo kale heshiis dhanka badda ah la saxiixatay Giriigga, taas oo ka caraysiiyay xukuumadda Ankara.
Drones-ka Turkiga
Diyaaradaha dagaalka ee aanu duuliyaha saarneyn ee uu sameeyay Turkiga ayaa guulo muuqda ka soo hoyay furimaha dagaalka ee Nagorno-Karabakh, Liibiya iyo Suuriya.

Diyaaradahaas ayaa aad ugu soo caan-baxeen colaaddii Nagorno-Karabakh ee u dhexaysay Azerbaijan iyo Armenia, iyagoo la sheegay inay u sahleen ciidamada Azerbaijan inay yeeshaan gacanta sare.

Dalalka kale ee iibsaday diyaaradaha drones-ka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar TB2 ayaa waxaa kamid ah Qatar iyo Ukraine.

Shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Baykar, ahna tan samaysa diyaaradaha drones-ka ayaa sanadkii 2020 iibkeeda dibedda ka macaashtay 360 milyan oo dollar, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah.
Dadka ka faallooda arimaha ammaanka ee Sacuudiga ayaa rumaysan in Boqortooyada ay dooneyso in drones-ka Turkiga ay u adeegsato colaadda Yemen, kadib markii qaar kamid ah dalalka Galbeedka ay joojiyeen hubkii ay ka iibin jireen.

Sacuudiga ayaa sanadihii dambe ku lug laha colaadda Yemen, waxaana uu dagaal xooggan kula jiraa xooggaga Shiicada ah ee Xuutiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here