Gabadha La Dhalatay Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un Oo Digniin U Dirtay Mareykanka

0
352

Gabadha La Dhalatay Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un Oo Digniin U Dirtay Mareykanka

Gabadha awoodda badan ku leh dalka Kuuriyada Waqooyi ee la dhalatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un ayaa uga digtay Mareykanka “in aysan xiisad sababin”, marka madaxwayne Joe Biden uu diyaarinayo siyaasadaha uu kula dhaqmayo Kuuriyada Waqooyi.

Hadalkan oo ay ka soo xigtay warbaahinta dowladda, ayay Kim Yo-jong waxay cambaareysay dhoolatuska militari ee ay sida wadajirka ah u qabteen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Hadalkeed ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka hor xilli sargaal sare oo dowladda Mareykanka lagu wado in uu tago magaalada Seoul.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay inay muddo toddobaadyo ah isku dayaysay in xiriir diblamaasiyadeed y la sameyso Kuuriyada Waqooyi.
Labada dal ayaa isku khilaafsan barnaamijka niyukleerka iyo gantaalada Kuuriyada Waqooyi.
Wargeyska Rodong Sinmun aya waxaa uu ka soo xigtay Kim Yo-jong iyada oo tiri: “waxaan talo u jeedinayaa maamulka cusub ee Mareykanka ee la daalaa dhacaya fidinta urta baaruuda qoriga taasi oo ka dhan ah dalkeena.

“Haddi ay doonayaan inay nabad ku seexdaan afarta sano ee soo socota waa in ay ka dheeraadaan in ay sababaan waxyaabo keeni kara xiisad marka aya tallaabada ugu horreysa qaadayaan .”

Waxay carabka ku adkeysay sida uu dalkeeda uga soo horjeedo dhoolatus milatari oo wadajir ah taasi oo ay ku tilmaamtay mid loogu diyaargaroobayo duulaan.

“Dowladda Kuuriyada koonfureed ayaa mar kale dooratay gaardis dagaal iyo gaardiskii dhibaatada ‘.” ayay tiri Kim Yo-jong.

Kim Yo-jong ayaa ah Kim Jong-un walaashii ka yar waxaana loo arkaa in ay tahay qof si aad ah ugu dhaw hogaamiyaha.

Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ahaa mid la filayay maadaama mar walba oo ay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sameynayaan dhoolatus miltari ay Kuuriyada waqooyi si kulul uga jawaabto.

Waxa toddobaadkan lagu wadaa in Kuuriyada Koonfureed uu booqdo xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here