Kenya Oo Sheegtay Inay Kiiska Badda U Gudbineyso Golaha Ammaanka Ee QM

0
509

Kenya Oo Sheegtay Inay Kiiska Badda U Gudbineyso Golaha Ammaanka Ee QM

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee ICJ waxay maanta mar 2-aad dhegeysan doonto Garnaqsiga Somalia ee ay dacwadda kaga tahay Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somalia, xilli aysan Kenya soo xadirin Fadhigii shalay ee Dacwad-dhegeysiga ee ka furantay Xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalladda The Hague.

Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa waxa uu qoray inay Dowladda Kenya go’aan ku gaartay inay Kiiskaasi u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee QM. Kenya ayaa waxaa ay xubin ka tahay dalalka aan rigliga ahayn ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM.

Tallabadaasi ayaa u muuqata inay Kenya ku jirto xaallad quus ah oo u dhiganta Maahmaahda Soomaalida ee Falaari gilgilasho kaagma harto.

Dhinaca kale, Maqnaanshaha Kenya ee Garnaqsiga Maxkamadda ICJ waxay daaqada ka sii tuuraysa Sheegashadooda aan salka lahayn iyo hamigooda ku aadanaain Kiiskaasi lagu dhameeyo meel aan Maxkamadda ICJ ahayn.

Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ ayaa waxay shalay laaleen codsi uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya, Kihara Kariuki ku doonayey inuu muddo 5 daqiiqo la siiyo, si ay u soo bandhigaan sababaha ay u qaadaceen Garnaqsiga Kiiskaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Muwaadiniinta Soomaalida ayaa waxay si wadajir ah ugu mideysan yihiin inay ka soo horjeedaan Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here