Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

0
325

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Ujeedka Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee ka dhacaya Xalane ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida uu qorshahu yahay degi doono xeyndaabka Garoonka diyaaradah Aadan Cadde, waxaana haatan socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo Deni iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho, isagoona degay xeyndaabka Garoonka, isla markaana kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyneyaasha kale ee dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay soo gaaran Caasimadda dalka, si ay uga qeyb galaanka Shirka Madaxda oo ay goobjoog ka noqon doonto Beesha Caalamka.

Shir uu ku baaqay Madaxwerynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex jeer baaqday, kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here