Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ka sugeysa inay raalli gelin ka bixiso dhacdadii Garoonka Muqdisho

0
622

Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ka sugeysa inay raalli gelin ka bixiso dhacdadii Garoonka Muqdisho

maaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London.

Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin cidda wada dadaalada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka khaliijka, isla markaana ay muuqatay ifafaalaha xiriirka Madaxtooyada iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here