Dawladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Xalay habeen Badhkii Dhexmaray Ciidamada dawladda iyo Kuwa Midawga Murashaxiinta

0
284

Dawladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Xalay habeen Badhkii Dhexmaray Ciidamada dawladda iyo Kuwa Midawga Murashaxiinta

Xasan Xundubey Jimcaale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka hadlay weerar lagu qaaday Ilaalada Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugnaa dalka jirka Dahsoon iyo Hoteelka Maaida.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay in lasoo weeraray Ciidanka dowladda ayna iska difaaceen.

Hoos ka Akhriso Warka uu Soo Saaray Wasiirku:

Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa.

Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here