Mareykanka Oo Digniin Culus U Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho
Muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa loo ga digay in ay ka ag-dhawadaan goobaha ay musharixiinta u qorsheeyeen ay ka dhacaan bannaanbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykan ee Soomaaliya ayaa digiin culus loogu jeediyay Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, waxaana looga digay in ka ag-dhawaadaan Bannaanbaxa la filayo in u ka dhaco muqdisho.
Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.
Midowga Musharixiinta ayaa horay u sheegey in Bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen uu dhici doono, waxaana Dowladda ay soo saartay amaro culus oo ku aaddan isku imaanshaha, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeeshaan Bannaanbaxa loo madalsan yahay.