Hindiya Oo Laga Helay Nooca Cusub Ee Cudurka Coronavirus

0
276

Hindiya Oo Laga Helay Nooca Cusub Ee Cudurka Coronavirus

Saraakiisha caafimaadka Hindiya ayaa ku dhawaaqay daah furka xaalado cusub oo fayraska corona  ah, kaasi oo markii ugu horreysay la sheegay in laga helay Koonfur Afrika iyo  Brazil.

In ka badan 150 qof ayaa waxaa horay ugu dhacay cudur kale oo la sheegay in uu ka soo ifbaxay Boqortooyada Ingiriiska.

Dad kabadan 100 qof oo uu haleelay xanuunkan cusub ayaa laga helay magaalada Bengaluru ee koonfurta Hindiya.

Xaalada kale ayaa sidoo kale laga diiwaan galiyay dhowr gobol oo ka tirsan Hindiya sida Maharashtra iyo magaalada Mumbai, ee caasimada dalkaas.

Hindiya oo ah dalka labaad ee ay ku noolyahiin dadka ugu tirade badan Dunida, ayaa diiwaan gelisay tiro cusub oo cudurkan ah, tirooyinkan cusub ee uu soo ritay xanuunkan ayaa la sheegayaa in ay ku sii fidayaan gudaha Hindiya.

Horaantii sanadkan ayaa lagu dhawaaqay  in hoos u dhac uu ku yimid  guud ahaan tirada  dadka uu ku dhacay  Corona Virus, laga soo bilaabo Sebtember 2020.

Khubarada caafimaadka Hindiya  ayaa sidoo kale xusay in gurmadka xanuunkan  uu hoos uga dhacay 90%, taasi oo keeni karto in markale uu xanuunkan dib usoo laba kacleeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here