Cabdi Xaashi Oo Dalbaday Maamulida Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

0
318

Cabdi Xaashi Oo Dalbaday Maamulida Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa Goordhow Qoraan cusub ksoo saaray khilaafka ka taagan arrinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Gobolada ee Waqooyi (Somaliland).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin cid dadka kasoo jeeda Somaliland uga qeyb galay shirarkii Madaxda ee looga hadlaayay arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, sidoo kalena uusan jirin heshiis laga gaaray arrintaan.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda ayuu ku eedeeyay Cabdi Xaashi inay dadaal adeg u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, isla markaana faafiyeen warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Dowlad Goboleedyada dalka iyo dadka kale ee ku jira xal u helida doorashada Soomaaliya ayaa u Guddoomiye Cabdi Xaashi u caddeeyay in dadka kasoo jeeda Somaliland ay doonayaan in iyagu ay u madax banaanadan maamulida doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, iyadoo la marayo hanaan Guddi sare.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey in doodiisu aaney ahayn In Guddiga isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed Khadar amaba Qof kaleba loo kala qaybiyo ee isugu yahay oofka xaqa u leh Maamulka Kuraasta Soomaaliland.

Arrimaha khilaafka uu ka taagan yahay Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland), waxaana dhowr mar Cabdi Xaashi uu soo saaray Qoraalo kala duwan oo ay ku sheegayo in muhiim ay tahay in isaga uu maamulo Doorashada Kuraasta Soomaaliland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here