Soomaaliya oo la keenayo tallaalka Covid 19 iyo dad horleh oo uu soo ritey cudurka

0
713

Soomaaliya oo la keenayo tallaalka Covid 19 iyo dad horleh oo uu soo ritey cudurka

Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa idaacadda VOA u sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimadka dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in dad cusub oo uu soo ritey cudurka Covid 19 laga helay dalka Soomaaliya.

Guud ahaan waxaa la baaray dad gaaraya 4,501, iyadoo laga helay cudurka dad gaaraya 30 ruux.
18 ruux ayaa laga helay gobolka Banaadir, halka Somaliland laga helay 11 ruux sidoo kale Jubbaland ayaa laga helay 1 ruux, sidoo kale 2 ruux ayaa ugeeriyootay cudurkan halka tirada guud ee dhimashada Soomaaliyana ay gaartay 132 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here