Gobolka Tigree-Ga Oo Qarka U Saaran Arrin Musiibo Ah Iyo Farriin La Diray

0
423

Gobolka Tigree-Ga Oo Qarka U Saaran Arrin Musiibo Ah Iyo Farriin La Diray

Xisbiyada mucaaradka ee Gobolka Tigrey ayaa waxay ka digeen Musiibo Bani’aadanimo oo wayn haddii aan gobolkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar loo gaarsiin.

Xisbiyadan ayaa waxay sheegeen in dadka ay bilaabeen inay u dhintaan gaajo, waxayna ugu baaqeen Beesha caalamka inay arrintan soo faragaliyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gargaar la garsiiyay gobolka Tigrey islamarkana ay ka faa’ideysteen 1.5 milyan oo qof.

Xisbiyadan ayaa waxay sidoo kale sheegeen in 52,000 oo qof la dilay tan iyo intii uu dagaalka Tigrey bilaabmay bishii November.

Sharaxaad kama aysan bixin qaabka ay tiradan ku ogaadeen, balse waxay sheegeen in dadkaasi ay ku jiraan caruur, haween iyo hogaamiyayaal dhanka diinta ah.

Dowladda Itoobiya ma aysan sheegin tirada ku dhimatay dagaalka gobolka Tigrey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here