Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Madaxda DFS Iyo M/Goboleedyada Oo Furmaya
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasiamadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inuu Maanta si rasmi ah uga furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ay socoto qaban-qaabadiisa.
Shirkaan ayaa lagu waday inuu xalay furmo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana la filayaa inuu barqada Maanta furmo, isla markaana waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka.
Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xal u helida caqabadaha hortaagan doorashada oo ay ugu weyn tahay arrinta Maamulka Jubbaland, iyadoona la filayo in arrintaas iyo kuwo kalena xal laga gaaro.
Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka Maanta furmaya.
Sidoo kale waxaa habeenkii xalay kulamo gaar gaar ah yeeshay madaxda maamulada qaarkood, kuwaasi oo hordhac u ah Shirka wadatashiga ee looga hadlayo marxalada dalka iyo doorashooyinka.
Ammaanka guud ee Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo ilaalada la socota Madaxda ku sugan halkaas.