Bannaanbax Lagu Wado In Goordhaw Uu Ka Billawdo Magaalada Muqdisho
Waxaa goordhaw la filayaa in Magaalada muqdisho uu ka dhaco bannaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Bulshada Gobolka banaadir, waxaana warar hoose oo aan helayno ay sheegayaan in ay socoto qaban-qaabo ku aaddan sidii Magaalada caasimadda ah loogu qaban lahaa bannaanbaxaasi oo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir.
Bannaanbaxa ayaa ah mid si weyn loogu taageerayo go’aan Madaxwene farmaajo uu ku saxiixay 13 kursi ee Gobolku ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare, waxaana si weyn usoo dhaweyay talalabadaasi bulshada Caasimadda, iyagoo u maahd celiyay Madaxweyne Farmaajo iyo labada Gole ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan tallabada uu qaaday farmaajo, waxaana uu tilmaamay in ay tahay mid ay soo dhaweynayaan Qaybaha kala duwan.