Dab Khasaaro Geystay Oo Qabsaday Guri Ay Ku Sugnaayen Caruur Yaryar

0
389

Dab Khasaaro Geystay Oo Qabsaday Guri Ay Ku Sugnaayen Caruur Yaryar

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay ku warramayaan in Guri ku yaalla halkaas uu qabsaday dab xoogan oo khasaaro geystay.

Dabka ayaa qabsaday Guri ka sameeysnaa baakado iyo waxyoo kale oo la isku geeyay oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Bidhaan-dheere oo dhinaca bari ka xiga Dhuusamareeb, halkaas oo deganaayeen qoys danyar ah.

Inta la xaqiijiyay hal Canug oo laba sanno jir ah ayaa ku geeriyooday dabkaas qabsaday Guriga, halka Canug iyo Gabar kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Dadka deegaanka Bidhaan-dheere ayaa gurmad u sameeyay Caruurta waxyeelada kasoo gaartay dabkaas oo qabsaday Guriga ay ku sugnaayeen, waxaana dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay in la demiyo dabkaas oo daqiiqado socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here