Amar Ka Dhan Ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso Oo Lasoo Saaray
Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amar ka dhan ah Ganacsatada kunool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas, waxaana Taliska uu ka hadlay sababta loo saaray amarka.
Taliyaha Booliska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laamaha amniga Gobolka amar ku siiyay inay xiraan Ganacsade kasta oo diida qabashada lacagta Shillin Soomaaliga oo la sheegay inay qaar kamid ah Ganacsatada diideen qabashadeeda.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa tilmaamay in sharciga la horgeyn doono Ganacsade kasta oo diida qabashada Shillinka, isla markaana waxaa Ganacsatada la faray inay dadka ka qaadan Shillinka.
Dad ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa soo weriyey in Suuqyada Magaalada saakay lagu daadiyay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaasi Taliska ugu tala-galay inay la socdaan dhaq-dhaqaayada Suuqa iyo qabashada lacagta Shillin Soomaaliga.
Si kastaba Amar uu soo saaray Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa ayaa kusoo adaya, iyadoo qaar kamid ah magaalooyinka Puntland laga diiday Lacagta Shilinka, waxaana xusid mudan ay halkaas ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadka.