Muwaadin Soomaali Ah Oo Hinaaso Darteed Loogu Dilay Dal Ku Yaalla Yurub

0
319

Muwaadin Soomaali Ah Oo Hinaaso Darteed Loogu Dilay Dal Ku Yaalla Yurub

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Geneva dalka Switzerland, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dilka loo geystay Muwaadinka Somaaliyeed ayaa waxaa ka dambeeyay Muwaadin kale oo isna Soomaali ahaa, waxaana falkaas uu u adeegsaday Middi ama tooreey oo qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa dilay Marxuumka, kadib markii uu ka war helay in uu xariir Jaceyl kala dhaxeeyo xaaskiisii Caruurta u dhashay oo ay kala tageen, sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Geneva dalka Switzerland.

Dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Switzerland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana markii hore isku dayay inay isbitaal u qaadan Muwaadinka tooreyda lagu dhuftay, hayeeshee markii dambe ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here