In Ka Badan 100 Qof Oo Lagu Dilay Galbeedka Itoobiya

0
373

In Ka Badan 100 Qof Oo Lagu Dilay Galbeedka Itoobiya

In ka badan 100 qof ayaa la dilay ka dib markii dableey aan heybtooda la garaneyn ay weerartay tuulo ku taal galbeedka Itoobiya, waa sida uu sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan xarun caafimaad oo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegtay in in ka badan 30 qof la dhigay xarunta, oo ay ku jiraan qaar xaaladoodu liidato.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la toogtay, halka kuwa kalena la tooreeyay, ayay hadalkeeda ku sii dartay kal-kaalisada.

Weerarkii Arbacadii ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ayaa yimid maalin kadib booqashadii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Bayaan ay soo saareen, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay ku sheegeen in weerarka uu ka dhacay tuulada Bekoji, oo ku taal aag ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo isku dhaf ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here