Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay Nin Dil Geystay

0
320

Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay Nin Dil Geystay

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Kurtunwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen nin horey fal dil ah u geystay.

Al-shabaab ayaa goob fagaare ah isugu keenay boqolaal qof oo kamid ah dadka deegaanka xukunka uu ka dhacaayay, si ay u daawadan xukunkii dilka toogasha ahaa ee lagu fuliyay Ninka lagu eedeeyay inuu horey u dilay qof shacab ah.

Cabdullaahi Cabdi Cusmaan oo 47 sana jir ayaa lagu magacaabi jiray Ninka Al-shabaab ay ku toogteen Kurtunwaareey, kaasi oo Nin ku dilay deegaan hoostega degmadaas, laguna magacaabi jiray Macallim Aways Arboow Maxamed.

Shabaabka ayaa sheegay in Ehellada Macallim Aways ay dalbadeen in xukun dil toogasho lagu fuliyo Cabdullaahi Cabdi oo horey si bareer u dilay Macalin Arboow oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey xukuno dil toogasho ugu fulisay dad badan oo lagu eedeeyay inay dilal ka geysteen deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, halka kuwo kalena toogatay, kadib markii lagu helay eedeyn ah inay ka shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here