Diblomaasiyiintii Iyo Shaqalihii Dowladda Soomaaliya Oo Isaga Soo Baxay Kenya

0
352

Diblomaasiyiintii Iyo Shaqalihii Dowladda Soomaaliya Oo Isaga Soo Baxay Kenya

Waxa Saaka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kasoo degay  diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya, kuwaasi ku yimid amar horay uga soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Xubnahahaan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Garoonka, waxaana  ay kasoo laabteen dalka Kenya, waxaana horay fadhigoodu uu ahaa Xubnaha Magalada Nairobi ee Caasimadda dalak Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay usoo saartay amar ahaa in diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya ay muddo 7 cisho ah dalka usoo galaan, ayna kasoo abxaan dalka Kenya, iyadoo sidoo kale Albaabada loolaabay Safaaraddii Soomaaliya ee dalka Kenya.

Xariirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqday mid aad u xun, waxaana Dwoaldda Soomaaliya ay xiriirka u jartay Dowladda Kenya, iyadoo ku eedeeysay faragalin Siyaasadeed, waxaana hadda socda wada hadalo ay IGAD ka dhex waddo labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here