Shirka Madaxda IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo

0
320

Shirka Madaxda IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo


Shirka Madaxda IGAD Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo
December 20, 2020
SHARE0
Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Waddamada Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo kamid ah xaalada Gobolka Tigree-ga oo dhawaan Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Shirka ayaa Madaxda ka qeyb galeysa waxaa ay diirada ku saari doonaa khilaafka xoogan ee xiligaan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dhawaan dowladda ay Urur Goboleedka IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, kuna eedeysay fara-gelin.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray dalka Jabuuti ayaa Maanta ka qeyb galaya Shirka Urur Goboleedka IGAD, isagoo ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalka uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkaas ayaa Madaxda IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here