Ciidamo Hubeysan Oo Hareereeyay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

0
318

Ciidamo Hubeysan Oo Hareereeyay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir, kadib markii halkaas shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo saacado socday.

Ciidamada oo isugu jiray Nabadsugid, Booliska Haramcad iyo kuwa Milateri ah ayaa qorsheynayay inay weeraraan Saraakiil iyo Ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda oo dagaalamay, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Ciidankii ku dagaalamay Kaaraan ee la doonayay in lasoo qabto ay isku dhinac noqdeen, kadib markii ay war heleen in Ciidamo kusoo socdaan, iyagoona u baxsaday dhanka duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here