Dowladda Oo Balan Qaad U Sameeysay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

0
336

Dowladda Oo Balan Qaad U Sameeysay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa habeekii xalay aheyd ku booqday Isbitaalka dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadka dhaawacyada kala duwan kasoo gaareen Qaraxaas, isagoo inta dhimatayna Alle uga Baryay in Janatul Fardowsa ka Waraabiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay isgarab istaagi doonto dadka qaba dhaawacyada halista ah ee aan gudaha dalka waxba looga qaban karin.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaas, isagoo ku boorriyay umadda Soomeeliyeed in ay u midowdo dagaalka dowladda kula jirto Al-shabaab, xili Shabaabka ay sheegteen Mas’uuliyada Qaraxaas.

Taliyihii Ciidanka qeybta 21-aad Cabdicaiis Cabdullaahi Qooje, Tailiyihii DANAB ee Galmudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale ayaa kamid ahaa dadkii ku naf-waayey Qaraxii shalay ee Gaalkacyo.

Saraakiisha la beegsaday iyo dadkii shacabka ahaa ee la beegsaday ayaa ku sugnaa afaafka hore ee Garoonka kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise oo ay ka socotay Munaasabad lagu soo dhaweynayey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo Gaalkacyo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here