Booliska Australia Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Soomaali Ah Iyo Sobobta

0
395

Booliska Australia Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Soomaali Ah Iyo Sobobta

Booliska gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa shalay bartamaha magaalada Brisbane ku toogtay wiil Soomaali oo 22 jir ahaa.

Wiilka ay Ciidanka booliska dileen ayaa lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Caabi, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee sanadaha kunoolaa dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in wiilka uu mindi Ku hubeysnaa, islamarkaana uu halisgeliyey naftooda, sida ay sheegeen.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale xusay in uu diiday in uu isku dhiibo booliska markii ay arkeen in uu hubeysan yahay uuna dagaallamay taasoo sababtay in si deg deg ah loo toogto.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay horay wiilkiisa ugu haayeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin in ay kusoo oogeen dambiyo uusan galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here