Maxkamada Gobolka Saraar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday In Lagu Soo Eedeeyay Kufsi Iyo Dil

0
409

Maxkamada Gobolka Saraar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday In Lagu Soo Eedeeyay Kufsi Iyo Dil

Maxkamadda Gobolka Saraar  ayaa xukun ku ridday Nin la sheegay in horay uu kufsi iyo dil u gaystay, kaasi oo lagu magacaabo Saleebaan Cali Kaarshe.

Saleebaan Cali Kaarshe ayaa la sheegay in lagu helay in uu kufsi iyo dil isugu daray Marxuumad Hodan Siciid Jaamac, waxaaana dhawanahaan socday dhagaysiga dacwadda.
Marxuumad Hodan ayaa ahayd Gobar reer Miyi ah, waxaana la sheegay in ay Ari ku ilaalinaysay miyiga gobolka Saraar, halkaasi oo kufsi iyo dil loogu gaystay, waxaana si weyn uga xumaaday dhacdadaasi xanuunka badan bulshada ku nool saraar iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

Waxaana da’deedu ay ahayd 18 sano, iyadoo la shegay in Saleebaan Cali Kaarshe uu marxuumadda kufsaday kadibna uu dilay, waxaana Maxkamadda Gobolkaasi ay ku Xukuntay dil toogasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here