Ninkii qiyaasay furaha sirta ah ee jabsaday Twitter-ka Trump

0
368

Ninkii qiyaasay furaha sirta ah ee jabsaday Twitter-ka Trump

Dacwad oogayaasha dalak Holland ayaa sheegay in ninkan ay u suurto gashay inuu jabsado akoonka Twitter-ka Donald Trump isagoo qiyaasay furihiisa sirta ah- “maga2020!”

Balse ma ciqaabi doonaan Victor Gevers, oo u dhaqmayay “si edeb leh”.

Mr Gevers ayaa soo wadaagay sawirro uu ku sheegay inuu ka qaaday gudaha akoonka Mr Trump 22-kii October, intii lagu guda jiray marxaladihii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinnimada Mareykanka.

Balse xilligaas, Aqalka Cad wuu beeniyay in la jabsaday akoonka iyadoo Twitter-na uu sheegay inaysan heyn wax caddeyn ah.

Aqalka Cad iyo Twitter midkoodna kama jawaabin codsiyada ku saabsan inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

A screenshot of Donald Trump's Twitter account

Mr Gevers ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanaa natiijada.

“Tani keliya kuma saabsana shaqadeyda balse waxay ku saabsan tahay dhammaan dadka ku tabarruca inay waxyaabo khaldan ka eegaan internet-ka,” ayuu yiri.

Baarahan aadka loo xushmeeyo ee arrimaha ammaanka internet-ka ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameynayay akoonnada musharraxiinta sare ee doorashada Mareykanka, 16-kii October, markii uu qiyaasay furaha sirta ah ee Madaxweyne Trump.

Victor Gevers

Booliiska Holland ayaa yiri: “Ninka jabsaday isaga ayaa akoonka fasaxay.

“Wuxuu mar dambe booliiska u sheegay inuu baaray awoodda furaha sirta sababtoo ah waxaa jirtay in akoonkan Twitter-ka lala wareegi karay wax yar kahor doorashada madaxtinnimada.”

Waxay sheegeen inay dowladda Mareykanka u direen baaritaankooda.

Mr Gevers ayaa booliiska u sheegay inuu caddeymo badan u hayo jabsashada.

Caadi ahaan, wuxuu arki karay dhammaan xogta madaxweynaha, oo ay ku jiraan:

Akoonka madaxweynaha, oo ay ku taxan yihiin 89 milyan oo qof, haatan ammaankiisa waa la xoojiyay.

Balse Twitter-ka ayaa diiday inuu ka jawaabo su`aalaha tooska ah ee BBC News, oo ay ku jiraan haddii akoonka si gaar ah loo sugay ammaankiisa taas oo muujin karta haddii qof kale oo furo.

Horraantii sanadkan, Mr Gevers ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo baarayaasha kale ee ammaanka ay galeen akoonka Twitterka Mr Trump sanadkii 2016 iyagoo isticmaalaya furaha sirta – “waa lagu cayriyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here