Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kulamo Ka Bilaabaya Dhuusamareeb

0
454

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kulamo Ka Bilaabaya Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa Manata si rasmi ah halkaas uga bilaabi doona kulamo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeelan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya ee 2020/2021.

Sidoo kale labada dhinac ayaa sigaar ah diirada u saari doona sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Madaxda maamul Goboleedyada qaarkood ay ka qabaan Guddiyada la magacaabay ee Doorashada iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona dadaalka loogu jiro sidii ay u dhici laheyn Doorasho xor ah.

Maxamed Rooble ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isagoo halkaas kulamo kula qaatay Madaxda maamulka Puntland iyo Odayaasha dhaqanka.

Madaxweyne Saciid Cabdllaahi Deni ayaa iska diiday dalab uga yimid dhinaca Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadanaa magacaabista Guddiyada doorashada, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulamo dhexmaray labada dhinac.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada ka dhaceysa dalka Soomaaliya, waxaana khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay Guddiyada doorashada ee  la magacaabay, iyadoona ay kasoo horjeedan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo ku xiray magacaabista Guddiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here