Maxkamadda Puntland Oo Go’aan Ka Gaareysa Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday

0
297

Maxkamadda Puntland Oo Go’aan Ka Gaareysa Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday

Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sharci ka dhigtay Go’aankii dhawaan Baarlamaanka Puntland ee xasaanada uga qaadeen 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Maamulkaas.

5 Garsoore oo dacwaddan go’aaminteeda lahaa ayaa 4 kamid ah ay isku raacday in Go’aankii xasaanada looga qaaday Xildhibaabada Puntland uu ahaa mid sharci ah, isla markaana waxaa diiday oo kaliya tallaabadaas hal Garsoore.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa Maanta oo Axad la filayaa inay shaaciso Go’aankeeda ku aadan xilka qaadistii lagu sameeyay 8-dii Xildhibaan ee ka tirsnaa Baarlamaanka Maamulkaas.

Warar la helayo ayaa in Maxkamadda xalay uu gaaray Go’aankii ay qaateen 5 Garsoore oo dacwadda Xildhibaanada go’aaminteeda lahaa, isla markaana waxaa lagu wadaa in Go’aan kama dambeeys qaadato Maxkamadda.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah Baarlamaanka Puntland u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambeeysay arrintii dhacday.

Xildhibaandii xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here