Morocco iyo Israa’iil oo ku heshiiyay xiriir diblomaasiyeed

0
439

Morocco iyo Israa’iil oo ku heshiiyay xiriir diblomaasiyeed

Dowladda Morocco ayaa noqotay dalkii u dambeeyay ee Carbeed oo xiriir diblomaasiyadeed la yeesha dowladda Israa’iil.

Labada dal ayaa ku heshiiyay inay si buuxda u soo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed, taasoo qeyb ka aheyd dadaalo uu waday Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka sii dagaya Donald Trump.

Donald Trump ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in guul kale oo taariikhi ah la gaaray, Israa’iil iyo Morocco ay ku heshiiyeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa.

Morocco ayaa noqoneysa dalkii afaraad ee ka tirsan jaamacadda Carabta oo si caadi ah ku soo celisa xiriir diblomaasiyeed oo ay la yeelato Israa’iil.

Dalalka Imaraaadka Carabta, Baxreyn iyo Sudan ayaa Israa’iil la sameeyay xiriir diblomaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here