Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Oo Maanta Tegaya Kenya Iyo Ujeedkiisa

0
345

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Oo Maanta Tegaya Kenya Iyo Ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanat oo Arbaco ah booqasho rasmi ah ku tegaya dalka Kenya, waxaana Booqashadiisa ay tahay mid qaadan doonta muddo laba maalmood ah.

Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka, waxaana kulankaas uu ka dhici doonaa Magaalada Moyale ee ku taal xadka labada Dal.

Laba hoggaamiye ayaa Maanta la filayaa inay si wada jir ah u furaan Bar kontorol oo ku taalla xuduudda labada waddan, iyagoona sidoo kalen booqan doonaan Gobolka Lamu, si ay kormeer ugu sameeyaan dhismaha dekedda cusub ee Lamu.

Markii u dambeysay ee Abiy uu Kenya tago waxay aheyd sanadkii hore bishii Maarso 2019, xilligaasoo isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay wadajir diyaarad uga  raaceen Magaalada Addis Ababa, kana degay Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xiligii uu tegayay Kenya aheyd markii labada dal Soomaaliya iyo Kenya xiriirkooda xumaaday,  kaddib markii Kenya Safiirkeeda u yeeratay, halka Safiirkii Soomaaliya ku amartay inuu dalkiisa dib ugu laabtay.

Booqashada Abiy ee Kenya ayaa ku soo aaday iyadoo mar kale uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka qaaday tallaabo la mid ah tii ay qaaday Kenya sanadkii hore ee 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here