Doon Sidda Ku Dhawaad 230 Muhaajiriin Ah Oo Ku Xidhatay Malta

0
730

Doon Sidda Ku Dhawaad 230 Muhaajiriin Ah Oo Ku Xidhatay Malta

(DLN-Malta)-Ku dhawaad 230 Muhaajiriin ah oo uu soo badbaadiyey markab laga leeyahay dalka Jarmlaka ayaa Khamiisti halkaasi gaadhay.

Ra’isal wasaaraha Malta ayaa wuxuu sheegay inuu Talyaaniga xaq uma laha inuu Malta weydiiyo iney muhaajiriintaasi ay maraakiibta samafalayaashu soo badbaadiyeen qaabisho.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa wuxuu sheegay Malta iney qaabisho 226 muhaajiriinta ah balse shaqaalaha doonta wada ay xirto.

Balse madaxda dalka Malta ayaa si kulul uga jawaabtay hadalka talyaaniga ka soo yeeray iyaga oo shegay “waddan madax bannaan ayeynu nahay cidna nooma yeerin karto waxa aan sameyneyno iyo wax aanan dooneyn inaan sameyno midna”

Dhacda noocan oo kala ah horraanti bishan waxuu Talyaaniga uu Spain ku aaddiyey 630 Muhaajiriin ah oo uu Talyaanigu diiday inuu qaabilo.

Malta iyo Talyaanigaba waa ay diideen qaabilaadda dadkaasi muhaajiriinta ah iyaga oo sheegay markabka soo badbaadiyey inuu geeyo waddanka laga leeyahay inta uusan soo dhex gelin markab laga leeyahay dalkaasi Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here