Faah Faahin:- Wiil Hooyadiis Oo 70 Sano Jir Ah Ku Dilay Muqdisho

0
313

Faah Faahin:- Wiil Hooyadiis Oo 70 Sano Jir Ah Ku Dilay Muqdisho

Degmada Kaaraan ee Gobolkani Banaadir waxaa ka dhacay falka dil ah oo bulshada ku nool degmada ku ku noqotay yaab iyo amakaag, kadib markii Wiil uu hooyadii oo 70 sano jir ah uu Toorreey ku dilay.

Cabsiiye Caddaan ayaa Hooyadii waxaa uu ku dilay Toorreey ama Mindi, iyadoo uu soo kala dhex-galay muran la xariira dhul dhaxal ah oo uu dalbaday Wiilku in ay Hooyadii u iibiso, balse ay taa ka diidday, waxaana la sheegay in wixii intaas ka dambeeyay uu Hooyadii Mindi ku dilay sida ay sheegen dadka degaanka.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu u gaystay Laba wiil oo isku dayay in ay Hooyada ka bad-baadiyaan, inkastoo ay ku guuldarraysteen in ay ka bad-baadiyaan haddana dhaawac ayaa soo gaaray Wiilasha oo ay mid walaalo ahaayeen Ninka Falka Dilka ah gaystay.

Ciidanka Booliska Kaaraan ayaa gaaray Xaafadda uu dilku ka dhacay, waxaana Qabteen Cabsiiye Caddaan oo Hooyadii dilay, iyadoo ay dhaawaceen ka hor inta aysan gacanta ku dhigin, kadib markii uu diiday inu dhigo Toorreey uu ku hubysnaa.

Cisbitaalka lagu Magacaabo Keysaneey ayaa la dhigay, balse waxaa la sheegay in Saacado kadib uu u geeriyooday dhaawacii ay u gaysteen ciidanka Booliska.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen In Maraxuumka dilka gaystay uu Daroogeysnaa, waxaana  uu ahaa mid soo isticmaalay waxyaabaha Maanka dooriya.

Waxaa la sheegay in tiro dhowr jeer ah uu dalbaday in loo iibiyo dhulka, balse Hooyada ayaa ka diiday, maaddama uu doonayay oo kaliya in Maandooriye uu ku gato Lacagta uu ka helo dhulka, taasina waxaa ka hortimid hooyadii, waxaana ugu dambeytii uu go’aan saday in uu Nafta dhaafiyo sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelka.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay  Bulshada ku nool Kaaraan, iyadoo bulshada ay ku noqotay dhacdo ugub ah oo aan horay uga dhocon degmada sida ay sheegeen dadka degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here