Seynisyahankii ugu sarreeyay Iran: “Waxaa lagu dilay hub meel fog laga hagayay”

0
381

Seynisyahankii ugu sarreeyay Iran: “Waxaa lagu dilay hub meel fog laga hagayay”

Iran waxay rumeysan tahay in Israa’iil iyo koox mucaarad ah oo dibad joog ah ay adeegsadeen hub meel fog la hagayay isla markaana ay ku dileen seynisyahankii ugu sarreeyay Iran Mohsen Fakhrizadeh.

Madaxa amniga Cali Shamkahni wuxuu sheegay in kuwii weerarka fuliyay ay adeegsanayeen “Qalab casri ah” markii la hub lala beegsanayay baabuurka seynisyahanka Jimcihii xilli uu ku sugnaa bariga magaalada caasimadda ah ee Iran.

Isaga oo ka hadlayay aaskii loo sameynayay Fakhrizadeh wuxuu Israa’iil ku eedeeyay in si qarsoodi ah ay u hormarineyso hubka nukliyeerka.

Israa’iil weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Mohsen Fakhrizadeh, waa seynisyahanka ugu caansan ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan, wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadka ugu sarreeya ee ilaalada kacaanka Iran.

Waxaa muddo dheeer aad u hadal hayay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ku tilmaamay in uu udub dhaxaad u yahay barnaamijka Niyukleerka Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here